Guddoomiyaha gobolka sool oo soo dhaweeyey askar kasoo goosatey puntland

0
160

Saaka waxaanu idin soo gudbinay iney askar ka tirsan puntland u soo goosteen dhanka somaliland waxaa laascanood kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha gobolka sool waxaana ka mida hadlakiisii sida:-

Waxaan maanta magaallada Laascaanood soo dhawayn maamuus sare leh aan ugu samaynnay 25 Askari oo booliiska Puntland ka mid ahaa goostayna inay la midoobaan una shaqeyaan dadkooda & dowladdooda Somaliland. Ciidankan oo intaysan soo gaadhin caasimmadda gobolka Sool lagusoo dhaweyey jiida Tukaraq oo ay saldhig ku lahayeen ciidan Qaranka waxaa ku soo dhaweeyey oo ay kula kulmeen Taliyaha Jiida Hore deegaankaas.

Ciidankan oo aan uga mahad celinayo go’aanka ay qateen kuna garteen dantooda, tan dadkooda & degaankooda waxaan dhawaq dheer aan ugu sheegnay inay si toosa ay uga mid noqonnayaan ciidammada Bilayska Qaranka Somaliland darxumo iyo daryeel la’aana ay maanta ugu danbbayso.
Waxaanna ku boorinayaa Askarta degaannadeena ee weli baaqiga ku sii ah maamulkaas-na inay yimadaan degaannadooda oo aannu ugu heellannahay si ay ugu noolladaan karaamo.

Munaasibadaha soo dhawaynta oo ka kala qabsoommay xarunta maamulka gobolka iyo taliska qaybta Booliiska waxaa igala qayb galay duqa Laascaanood, taliyaha booliiska gobolka iyo taliyaha nabad sugidda gobolka .

Qaramaynta iyo daryeelka iyadoo ahmiyada gaara la siinayo askarta deegannada Somaliland u dhashay ee ciidammada Soomaaliya ka soo tega waa mid ka mid ah tiirrarka lagu tayeynnayo laamaha ammaanka si aynu ku naalloonno xasilooni nabadeed iyo mid siyaasadeed .

Nabad horumar baaxadleh oo gobolka sool ku talaabsado insha allah.

Guddoomiyaha gobolka sool
Abdiqani maxamuud jiidhe