Guddiga Gurmadka Beledweyne oo beeniyey ballanqaadkii dowladda Soomaaliya iyo jabuuti

0
122

Guddiga Gurmadka Daadadka magaalada Beledweyne ayaa sheegey in ballanqaadkii dowladda Soomaaliya ee sannadkii hore ee magaaladaasi aan waxba ka fulin, balse kii Somaliland uu fulay:

“$400,000 oo kamida &600,000 ee ay Somaliland na siisay si biyaha Beledweyne looga leexiyo iyo $130 kun oo aan innagu urursannay, ayaannu ku howlgalnay. Dowladda Federalka & Jabuuti ballanqaadkoodii sannadkii hore waxba kama fulin”, sidaas waxa VOA u sheegey Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore Beledweyne ugu yaboohday 500,000 oo dollar.

Magaalada ayaa hadda laga dareemayaa cabsi fatahaado kale, waxayna guddiga sheegeen dowladdu keliya u keentay jawaanno.

qorey Maxamed Saalax.

linkagan hoose click garee oo ka dhageyso

halkan hoose ka dhageyso gudoomiyaha gurmadka daadadka baledweyne