Guddiga fatahaadaha Soomaaliya oo lacag deeq ah ka guddoomay Jamhuuriyadda Jabuuti

0
159

 Dowladda walaalaha aan nahay ee Jabuuti ayaa lacag gaaraysa lix boqol kun oo dollar una dhiganta boqol malyan oo lacagta Franka Jabuuti ah ugu deeqday guddiga fatahaadaha,lacagtan ayaa ah tii ugu badnayd oo guddiga fatahaadaha soo gaarta inkastoo ay jiraan lacago kale oo ay ballanqaadeen hay’ado iyo maamullo ka jira dalka Soomaaliya.

Kumanaan ruux ayaa ka barakacay fatahaadaha ka jira magaalada Beladwayne iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu kaalmeeyo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.

Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beladwayne ayaa u baahan in loo gurmado, kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saamayn ku yeesheen.