Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 oo kulan kula qaatay Culimada Qariga madaxtooyada somaliland

0
161

Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kulan kula qaatay Culimada waa weyn ee Somaliland iyo qaar kamida Dhakhaatiirka Waddanka.

Kulankan ayaa ay saddexda dhinac kaga arrinsanayeen sidii looga hortagi lahaa xanuunkaasi islamarkaana bulshada loo badnaadin lahaa hadday tahay dhanka Diinta, Caafimaadka iyo dhanka Dawladdaba.

Waxaana halkaasi ka hadlay qaar kamida dhakhaatiirka oo sharaxaad ka bixiyey habka fudud ee cudurkani ku faafayo, waxaana ay soo jeediyeen in wacyi gelin buuxda la siiyo Bulshada si aan uga badbaadno caabuqa Covid19.

Culimada Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu riyaaqeen hanaan wacyigelineed ee ay waddaan Gudida heer qaran ee xanuunka Carona Virus, waxaay dhankooda sheegen inay si habsamiya ula shaqaynayaan gudida iyo dawaldda intaba.

Waxaana ugu danbayntii kulankaasi layla qaatay in Culimadu ay maalinta beri ah soo saari doonaan Fatwo caam ah oo wacyigelin iyo ka hortag u noqon doonta faafintaanka xanuunkaasi islamarkaana culimada qaadato doorkeeda ugu mudan ee ka hortaga xanuunkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida Xanuunka COVID19 oo geba gebadii kulankaasi soo xidhay ayaa u mahad celiyey Dhakhaatiirta iyo Culimada sida ay usoo ajiibeen kulankaasi, waxaana uu ku boggaadiyey in maanta la joogo wakhtigii la samayn lahaa gurmad balaadhan oo dhankasta ah si bulshada loo badbaadiyo.

Source cabdijabaar