Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka waxkabadalka isgaadhsiinta

0
175

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay wax ka beddel golaha wakiilladu shalay ku sameeyeen xeerka Isgaadhsiinta iyo
Boosaha Somaliland.

Qodobada meesha laga saaray waxa ka mid in shirkadda Somcable kooto loogu xidho xadhiga Feber Optiga loo yaqaani oo hore gaar loogu xidhay.

74 xildhibaan oo saaka joogay fadhiga Guurtida dhammaan way u codeeyeen wax ka beddelka.