Go’aammada ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland

0
177

Shirkii puntland oo soo gabo gaboobay maanta ayaa waxaa nasoo baxay qodobadan iyadoo ay fadhiyeen shirka oo ay kasoo qayb galeen shirkan oo ay kasoo jeediyeen hadalo ay dhaliilayeen puntland iyo siyaasada Dani ayaa waxaa kasoo baxay qodobadan hoose

Go’aammada ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland waxaa kamid ah;

  1. In arrimaha dastuurka dib loogu dhigo dowladda soo socota ee 2020/2021.
  2. In doorasho qof iyo cod aaney dhici karin sanadkan lana aqbali karin waqti kordhin ku yimaada hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka.
  3. In Puntland ay qaadaceyso natiijada haddii aaney qeyb ka noqon wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.
  4. In dhammaan saamileysa siyaasadda isu yimaadaan oo laga tashto doorasho 2020/2021, Puntland ay kaalin ka qaadato.

Shirka waxaa qayb ka ahaa qaar kamid ah Wasiirrada Dawladda Federaalka Soomaaliya.