Gabadh Iyadu Is Guursatay! Waxay Ka Sheekaysay Waxa Ku Kelifay

0
201

Gabadh Faransiis ah oo la yidhaahdo Laëtitia Nguyen ayaa go’aansatay in ay nafteeda guursato, xafladna ay ku dhigato jasiiradda riyadeeda Santorini ee ku taalla gudaha dalka Giriigga.

Haweenaydan oo 38 jir ah kana soo jeedda Reims, France, ayaa guurkeeda waxa uu ku kacay 24,000 euro, roogga guurka kaligeed ayaa ku socotay, ballamaha guurkana iyadaa nafteeda la jiibisay – sida lagu qoray MaandeeqFm oo warbixintan oo turjuman aanu ka soo xiganeyno.

Sida ay qortay jariidada Metro ee ka soo baxda gudaha dalka Ingiriiska, Laëtitia ayaa sheegtay in sababta ku kalliftay in ay tallaabadan ay qaadataa ay ahayd, in ninkii ay u doonaneyd uu ka tagay bilo yar un ka hor guurkeeda.

Gabadhan ayaa riyadeedu ahayd iney xafladda guurkeedu ka dhacdo jasiiradda(Santorini) ee Griiigga ku taalla ee ceenka ah, oo ay ku riyooneysay illaa yaraanteedii in ay ku guursato, laakiin ninkii ay u doonaneyd ayaa ka tagay isagoon wax sabab ah u sheegin.

Laëtitia waxey tidhi: “Wax walbaa si wanaagsan ayay ku socdeen, waxaan heshiis ku ahayn carruurta aan dhali doonno iyo qorshayaal badan oo noo degsanaa. Labadeenuba waxaan dooneynay aroos  aad u heersarreeya oo cajiib ah, waxaan aad ugu qanacsaneyn inaan is-guursanno, waxaanan ku mashquulsaneyn u diyaargarowga maalintaa weyn.”

Waxey intaa sii raacisay: “Aad baan uga xanuunsanayaa wixii dhacay, laakiin noloshu waa hadiyad ay habboon tahay inaan ka faa’iidaysanno. waxaan goostay inaan nafteyda guursado maadaama aan is-aqaanno inaan ahay qof wanaagsan. wax ceeb ah iyo xishood midna ma dareemayo.”

Waxaa xusid mudan, in xafladda arooska ay ka soo qeybgaleen 8 qof oo marti ah, waxaa ka mid ahaa labadeeda waalid, walaasheed iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda ugu dhaw.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).