Home WARARKA MAANTA Fayraska Koroona (Coronavirus) oo dilay Dhaqtarkii ugu Horreeyey ee dalka Shiinaha.

Fayraska Koroona (Coronavirus) oo dilay Dhaqtarkii ugu Horreeyey ee dalka Shiinaha.

0
127

 Dawladda Shiinaha ayaa subaxnimadii sabtida maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday geerida Dr. Liang Wudong, oo da’diisu ahayd 62-sano jir, isagoo kamid ahaa dhakhaatiirta ku mashquulsanaa sidii ay u daweyn lahaayeen dadka Fayraskaasi haleelay.

Geeridiisa ayaa timid ka dib markii uu jirkiisa saameeyey fayraska Koroona (Coronavirus) laakiin la ogaaday goor dambe ka dibna la dhigay isbitaalka uu ka shaqaynayay ilaa uu markii danbe geeriyooday.

Dhakhtarka dhintay ayaa ka mid ahaa bahdii caafimaadka ee Dawladdu u diyaarisay inay ka hor tagaan fayraska Coroona, islamarkaana ay daweeyaan dadka uu cudurkaasi saameeyey.

Dr. Liang  ayaa ka shaqeynayey cusbitaalka Hubei Xinhua ee ku yaalla magaalada Wuhan, dhimashadiisa ayaa noqonaysa geeridii ugu horreysay ee ku timaada dhakhtar kmid ah kuwa ka shaqaynaya daweynta dadka Shiinaha, taasoo welwel ku abuuraysa bahda caafimaadka dalkaas.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com