Home Caafimaadka FARRIIN CAAFIMAAD ka Hor Taga coronavirus

FARRIIN CAAFIMAAD ka Hor Taga coronavirus

0
175

Shaqaalaha caafimaadku aad ha isu jiraan,
Waxay qayb weyn ka qaadan karaan fiditaanka cudurada faafa iyo weliba hadda kan dunidii faraha baas ku haya ee Corona virus hadii aanay la iman taxadaraadka loo baahan yahay inay isku ilaaliyaan oo bukaankooda ku ilaaliyaan ( infection control and standard universal precautions).

Waxan loo baahan yahay inay si wacan u xidhaan qalabada waxa ilaaliya ee loo yaqaan
( personal protective equipments) oo ay ka mid yihiin cloves, masks, boots, eye glasseska.

Ilaali naftaada iyo ta bukaanka aad u shaqaynaysidba.

Wash your hand to break the chain.

Farriinta dadweynaha

  1. Gacmahaaga u maydh si joogto ah adiga oo isticmaalaya saabuun.
  2. ka fagoow gacan qaadka dadka iyo dhunkashada.
  3. ka fagoow inaad istaabataan dadka xanuunsanaya ama calaamadaha hargabka leh.
  4. Marka aad qufacaysid ama hindhisaysid laab suxulkaaga ama isticmaal (tissue).
  5. ka fagoow inaad taabatid gacmahaaga iyo wejigaagaba kuna dedaal markasta faraxalka.
  6. Hadii aad xanuunsatid ama xanuun dareentid ha tegin meelaha bulshadu iskugu timaado sida maqaaxiyaha, iskuulada, jaamacadaha.

Alle ha ina ilaaliyee aynu taxadaraadkaas raacno.

W/Q axmed Cabdi Ducaale

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com