Farmaajo oo la kulmay Safiirka Britain iyo Wakiilka QM +Sawirro

0
184

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.


Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay ballan qaadeen iney tageero fiican buuxda siin doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay qaabilay Guddi sare oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfor Afrika Thabo Mbeki.