Farmaajo oo gaaray Magaalada Asmara (Sawirro)

0
244

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara ee Caasimada Dalka Eritrea,iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre,iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Asmara ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Eritrea,balse wax faah faahin kama aysan bixin Villa Soomaaliya kulankaasi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimada Dalka Masar,waxa uu kaga soo qeyb galay Shir looga hadlayay Xaaladda Dalka Suudaan.waxaana xusid mudan in Safarka madaxweyne Farmaajo ee uu ku tagay Dalka Eritrea uu ahaa mid aan horay loo shaacin.