Faallo: Laba-kaclaynta Covid19 iyo halista Xafladaha Murrashaxiinta

0
32

Hab-agaasinka Munaasibadaha u diyaar-garowga Doorashada ee ay qabsanayaan Murrashaxiinta u tartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada iyo duruufaha caafimaad ee dunida halakeeyey sanadihii u dambeeyey waa xaaladdo kaaf iyo kala-dheeri ah oo ay ka soo fool leedahay halis culus oo alle inaguma keenee dhibaato badan sababi karta, taasoo khatar ku ah nololsha muddan iyo akhyaar aynu jecelnahay oo aynaan geeridooda dhaafsaneen qiime ku jaban sabab qadarta rabbi ka sekow aad u hoosaysa.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa Sabtidii todobaadkan shaacisay in faafitaanka cudurka safmarka ah ee COVID19 soo laba kaclayeeyey labadii bilood ee sanadkan, taasoo laga dareemay tirada dadka baadhitaanka lagu sameeyey bishii Janaury iyo Bishan Febraury ee lagu guddo jiro iyo Kiisaska cusub ee la diwaangeliyey oo xataa labada bilood farqi kor u kac ka muuqdo.

Wasaaraddu waxa ay si toosa u beyaamisay in ay muuqdaan caalamaddo cad oo muujinaya in cudurkaasi faafidiisu sare u kacday bishan aynu ku jirno ee Febraury dhexdeeda, marka la barbar dhigo bishii ka horaysay ee Janaury, taasoo ah digniin bulshada oo dhan foojignaan ugu filan, isla markaana u baahan in intaan talo faro ka haadin loo dhego-nuglaado.

Tusaale ahaan;- sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadku, bishii Janaury waxa laga baadhay cudurka 3950 qof, waxaana cudurka laga helay 63 qof oo celcelis ahaan noqonaysa 1.2%, halka bishan Febraury labadii todobaad ee u horeeyey laga baadhay 2436 ruux, kuwaasoo laga helay cudurka 64 kamida oo noqonaya 2.6%, taasoo muujinaysa heer kor u kac oo aad u sareeya marka lagu daro labada usbuuc ee kale.

Sidaasi awgeed, inkasta oo aanay Wasaaraddu sheegin sababaha keenay amma loo nisbayn karo sare u kacan cudurka ee yimi xilli ay cimiladdu soo diirayso ee dhamaadka qabowgii bilaha Jiilaalka, haddanna sida ay aaminsan yihiin khubarrada cudurrada faafa iyo bulshada ehlu caqliga ahiba nidaam-xumada iyo foojignaan la’aanta ka muuqata xafladaha fool-horraadka u ah Olollaha Doorashada ee lagu qabanayo Hudheellada magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo goobaha kale ee guryaha loogu talogalay kulamada dadka badan, sida xoolalka shirarka ee xafiisyada.

Wallow, tan iyo markii ay dawladdu khafiifisay xayirraadihii cudurka sanadkii ina dhaafay, hab-dhaqanka bulshadu sidii caadiga ahayd noqday oo aad moodo in aanay dadka badankiisu dheg-jalaq u siinin tallooyin lagu xakamaynayey cudurka, haddana waxa iminka welwelka ugu weyn abuuray ayaa ah qaabka loo camirrayo munaasibadaha shaacinta iyo dhoola-tuska ah ee ay Murrashaxiinta u tartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamadu ku qabsanayaan fagaareyaasha dusha ka xidhan ee aan loo diyaarin nidaamka xakamaynta cudurka. sida kala foggaanshiyaha dadka, agabka fayo-dhowrka iyo gacmo-maydhka.

Tusaale ahaan, Hudheellada waaweyn ee Magaalada innaga oo aan kala qaadin dhamaan Xafladihii waaweynnaa ee lagu qabtay todobaadyadii u dambeeyey waxay ahaayeen qaar si akhtiyaari ah loo shamirray oo qof qof iskii u soo gaashaantay mooyaane dadka ka qaybgalay ay garbaha iyo gondaha isku wada hayeen, isla markaana kuraasta lagu fadhiisiyey aanay qaarkood u dhaxaynin taako.

Geesta kale, qaar kamida munaasibadaha aynu ka hadlayno oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qaybgalay dad kumannaan qof gaadhaya, waxaana lagu qabtay Hoollal aan loogu talogelin in ay fadhiistaan tiro ka badan 2000 qof, taasoo ina tusinaysa heer masuuliyad-darro oo aan indhaha laga qarsan karin, khatar weynna ku ah caafimaadka Bulshada, haddii aan dhakhso wax looga qabanna sababi karta masiibo qaran oo riiqdeeda la dambarsan doono.
Waa Xafladaha’e waxa hubaal haddii uu qof kamida oo cudurka qaba, balse aan isku ogayni uu ka qaybgalo in uu saydhanayo dad badan oo fayoobi ku soo galay, kuwaasoo aynu iska garan karno in ay iyaguna qaar kale sii gaadhsiin karaan, ilaa uu xaalku noqdo bugto iyo baraarugsannaan la’aan isbiirsaday oo aynu qiyaasi karno alle ha inaga hayo ee natiijada xun ee laga dhaxlayo.

Haddaba, innaga oo aan ka tagsanayn wixii ku yimaada qadarta alle SWT, kuna xad-gudbayn xoriyadda isu soo baxyada la ogolyahay xilligan Doorashada ee ay tartameyaashu ku soo bandhigayaan muujinta hankooda iyo taageerayaashooda, isla markaana aynaan carqalad ku abuurayn ganacsiga goobaha faa’iido-doonka ah ee fursada helay, waxa haboon in ay agaasimeyaasha Xafladaha, mulkileyaasha hudheellada lagu qabanayo, Dadweynaha ka qaybgelaya iyo Dawladduba ay gudtaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta bad-qabka caafimaad ee qaranka oo ka bilaabmaya qof.

Waa in Hudheelladu qorshaha Ganacsigooda iyo qiimaha Iibkoodaba ku daraan adeegyada iyo agabka la aaminsan yahay in lagu xakamayn karo faafitaanka cudurka Covid19.
Sida in ay sameeyaan oo ay badiyaan meelaha Faroxalka, in ay agabka jeermis-dileyaasha ah iyo kuwa Afka lagu daboollo ku diyaariyaan marrinada laga gelayo goobta munaasibadu ka dhacayso, iyo in ay habka fadhiga madasha u sallaxaan nidaam waafaqsan qaabka kala-fogaanshiyaha ururka dadweynaha.

Ka qaybgalayaasha Xafladaha waxa iyagana waajib ku ah in ay raacaan tallooyinka iyo tilmaamaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay Hay’addaheena caafimaadku u mariyaan qalabka Warbaahinta iyo Telefoonada.

Guddida heer Qaran ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID19 iyo wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo aan iyagu iska leh masuuliyadda koowaad ee arrintan, waxa ku waajib ah oo aan ku adkaynaynaa in ay go’aamo deg deg ah ka soo saaraan iswaafajinta jiritaanka khatarta cudurkan iyo xaaladdaha ku lamaan hirdanka Doorashada.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah inay Guddida iyo Wasaaraddu geeyaan goobaha murrashaxiintu Xafladaha ku qabsanayaan xirfadleyaal caafimaad oo wata qalabka lagu cabiro xeerka heerka xummada iyo astaamaha kale ee lagu ogaan karo xannuunka.

Ugu dambeyn, Qulqulka Musaafuriinta ka imanaya qurbaha, gaar ahaan wadamada uu muddooyinkan dambe cudurku bariinsaday, dadkaasoo iyaga laftoodu keeni kara nooc cusub oo cudurkan ah, waxa muhiima inay xukuumaddu u diyaariso qorshe cusub oo la xidhiidha dhex-galkooda bulshada.

Qore. Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)