Faaiidooyinka khudaarta

0
89

Taxanaha Caafimaadka
Qaybta 8aad

  1. Ku dar shaambo yar sanjabiilka budada ah ka dibna ku dhaq timaha, sanjabiilka waxaa ku jirta maado ka hortagta timo guranka sidaa darteed isbuucii mar ama 2 mar ku dhaq shaambo lagu daray sanjabiil biyo lagu diiriyay
  2. Cun tufaaxa isbuucii mar ama 2, tufaaxa oo qofku si isbuucle ah u cuno wuxuu kilyaha ka ilaaliyaa in uu dhagax ku samaysmo, hadii dhagaxaan quruurux ah oo yaryar ah ay kilyaha ku jiraana way kasoo baxayaan
  3. Cab liin dhanaanta subaxdii adigoo baahan iyo marka aad cuntada cunto kadib, liintu waxay mindhicirada ka sifaysaa jeermiska, marka mindhiciradu sifaysmaan waxaa si sahal ah qofka uga soo baxa saxarada sida darteed cuntada ka hor iyo ka diba isticmaal
  4. Mari wajigaaga malab iyo qarfo la isku daray hadii finan wanjigaaga kusoo laalaabtaan, qarfaha iyo malabkaba waxay liishe ka dhigaan maqaarka waxay sidoo kale wax wayn ka qabtaan nabarada kasoo yaaca wajiga iyo dhabarka
  5. Cun mooska subaxdii 2 xabo adigoo baahan, cunista mooska waxay jirka siisaa firfricooni amadama mooska laga helo Vitamin C taas oo u fiican dhiiga kana dhigta qofka mid caajis iyo murqa xanuun aaan dareemin, sidoo kale moosku wuxuu daawo u yahay nabarad ku dhaca afka, faruuryaha iyo carabka

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay

Si Dadka Kale Uga Faaiidaystaan #Share➡️ Inaad Dhahdo Ha Hilmaamin

Dr #Waahiin Sabriye