Faa’iidada caafimaad ee Baamiyaha (#okra).

0
160

Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada wuxu qani ku yahay fiitamiinada kala ah, Vitamin K , Vitamin C, Thiamine (B1) Folate (B9).

Sidoo kale waxaa ku jira macdanta sida : Magnesium, Phosphorus Calcium iyo Zinc.

  1. Wuxuu xoojiyaa lafaha : waxaa ku jiro fitamiin k oo ka qayb qaato samaysanka lafaha isagoo si kiimikaal ah (chemical) u qaabeeyo ama u aktiif (active) gareeyo borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro calcium iyo Phosphorus.
  2. wuxu u fiican yahay dadka qabo xanuunka sonkorowga : war bixino caafimaad ayaa sheegaya inuu yareeyo xawaaraha sonkorta looga soo nuugo dheef-shiidka (low Glycemic Index) taasina ay saacidayso in sonkorta dhiigga aysan aad ukicin.
  3. caafimaadka hooyada uurka leh : baamiyaha waxaa ku jiro fitaamiinka Folate (folic acid) oo ka hortago caafimaaddaro ku timaado ilmaha uurka kujiro muhiimna u ah hooyo walboo uur leh inay qaadato fiitaminkan.
  4. baabmiyaha waxa u wanaagsan yahay arag oo waxaa ku badan vitamin A.
  5. Baamiyaha waxa uu ka hortaga calool fadhiga maxaa yeelay waxaa kujira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous.
  6. wuxuu kor uqaadaa difaaca jirka : wuxu qani kuyahay vitamin C oo ka qayb qaataa in waxyaalaha sunta ah jirka laga saaro .
  7. sidoo kale waxa uu yareyaa Kalestrol-ka ama dufanka dhiiga.
  8. Baamiyuhu wuxuu dhowraa caafimaadka Haraga (Maqaarka). Qalinkii:Dr faris.

Qodobkee dareenkaaga soo jiitay.

Akhriste waxaan rajaynayaa in aad wax badan ka faa’iiday qormadan, haddaba ha hilmaamin inaad uga faa’iidayso walaalaha iyo asxaabtaada kale #SHARE.