Faahfaahinta:Dhimashada iyo Dhaawac Dagaalkii jabhada caare iyo ciidanka somaliland ku dhex marey sanaags

0
348

Wararka dheeraadka ee ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu dagaal ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaank Dowga tabca ka tirsan Magaalada Ceerigaabo,isla markaana waxaa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda hogaamiyaha uu ka yahay Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre).

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii Jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Ceerigaabo  una guureen degaan Cusub oo uu ku yaallo halkaas.

dhaawaca iyo dhimashada labada dhinac soo kala gaadhey ayaa la sheegaya laba askari oo ka tirsan ciidanka dowlada ay ku dhinteen halka jabhada caaraha la sheegay iney ka dhawacmeen sadex askari midna ku dhintey iskastoo ayna jirin war xaqiiq ah oo labada dhinac xaqiijiyeen

Khasaaro kaal duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas,waxaana la sheegay hal askari oo meyd ah iyo sadex dhaawac ah oo jabhada caare,kaasi oo la dhigay Isbitaalka guud ee Ceerigaabo.

wariyaalka jooga isbitaalka ceerigaabo ayaa xaqiijiyey in goordhaweyn la keenay cisbitaalka guuud ee magaalada ceerigaabo askari meyd ah iyo sadex kale oo dhaawac oo ka tirsan jabhada caare

sidoo kale askarigii saaka dhaawaca loo keenay cisbitaalka guud ee ceerigaabo ayaa dhawacii u dhintey oo ka tirsana ciidan dawlada somaliland.

dhanka ciidanka somaliland lagama hayo war wali wixii khasaaro soo gaadhey waxaan ahayn askarigaa dhaawaca ugu dhintey isbitaalka guud wax hadal ahna kama soo bixin labada dhinac ee dagaal manaaya