Faahfaahin dheeraad ah iscasilaadii Afhayeenka golaha faderalka Itoobiya

0
68

Barlamaanka iyo itoobiya Waa laba qaybood
-Golaha xildhibanaada
-Golaha federation ka

Khayriya Ibraahim oo ahayd afhayeenka golaha federationka dalka itoobiya kanasoo jeeda deegaanka tigreega ayaa xilka iskaga casishay

Hadaba muxuu salka Ku hayaa iscasilaada gabadhan?

●Dib u dhigista doorashada itoobiya ayaa sababtay khilaaf dhanka dastuurka ah waayo dastuurku ma xusin in doorashada dib loo dhigo karo
Wuxuuna si adag dastuurku u sheegayaa in doorashada wakhtigeedii lagu qabto ,
Hadaba waxaad ogaydeen in golaha xildhibanaadu ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo
Isla markaana dastuurka laga dhex raadiyo turjumaad loo cuskan karo in dib loo dhigo doorashada.

Hadaba si dastuurka loo turjumo oo loogasoo saaro qodob loo cuskan karo in doorashada dib loo dhigo waxaa khasab ah in uu ansixiyo golaha federation Ku waxaana madax ka ahaa gabadhan hadda is casishay oo tigreega kasoo jeeda .

Waxaad hore u jiray in tigreegu ay diideen in doorashada dib loo dhigo isla markaana ay shaaciyeen in ay ayagu wakhtigeedii Ku qaban doonaan doorashada,

Abiye ahmed na waxaa ka go, an in uu golaha federation ka ka dhamaysto hawshiisa oo ay ansixiyaan gudigii soo turjimi lahaa doorashooyinka , Hadaba gabadhan oo madax ka ah golaha federation ka ayaa culays ka haysteen laba dhinac
Dhanka tigreega oo TPLF ay doonayaan in ay carqladeeyaan qorshaha Abiye
Iyo Abiye oo doonaya in ay ansixiyo qorshihiisa
Taasaa keentay in ay meesha banayso .

Iscasilaada gabadhan Waa culays weyn oo raysal wasaarahe Abiye kusoo kordhay waayo golihii federation kuba hadii kala daadsanyahay oo aanu gudoomiye jirin wax badan uma hirgalayaan dhanka sharciga

Sidoo kale Waa culays siyaasadeed oo baaxad leh .

Ugu yaraan waxaa dib u dhacaya qorshihii ahaa in lasoo dhiso gudi soo turjuma dastuurka dalka itoobiya ,
Waxaa kaloo dib u dhac weyni Ku iman karaa dhamaan qorshayaashii golaha ,
Waxaa kaloo dhici kara in ay is casilaan Wasiirada tigreega ah ee heer federaal jooga
Waayo waxaad ka garan kartaa jihada siyaasadeed ee ay tigreegu u socdaan .

Iskusoo wada duubo arinta gabadhan xilka ka tagtay Waa culays kale oo kusoo kordhay siyaasaddii itoobiya ee intan danbe aadka u cakirnayd.

Iscasilaada Khayriya ayaa imaanaysa xili ay xasilooni daro wayn iyo kacdoon siyaasiya ay ka jirto inta badan dalka Ethiopia.

Xigasho cabdi raxin