Faahfaahin: dad lagu Xasuuqay Gaalkacyo

0
230

Beegsonews-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay 9 Ruux oo shacab ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dilka Sagaalka Ruux ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Gaakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dilka 9 Ruux uu yimid kadib markii Sarkaal katirsan Ciidamada Nabad Sugida Galmudug. ay Kooxo hubeysan ay toogteen,waxaana la tilmaamay in dadka deegaanka ay Ceyrsadeen labo ka mid ah Kooxihii dilka geystay,kadibna sida la sheegay ay galeen guri lagana soo saaray 10 Ruux,iyadoona koox deegaanka ay 9 ka mid ah dadkaasi ay dileen.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska Gaalkacyo waxa ay shegeen ineysan xaqiijin karin dadka la dilay iney ka dambeyeen dilka Sarkaalka,wallow Saraakiishu shegeen iney jireen dadka oo la soo qabtay isla markaana baaritaano ay ku socdaan.

Sikastaba ha ahaate dhawaan ayey aheyd markii 4 Ruux oo Shacabka oo aan waxba galabsan kana soo jeedeen Deegaanada Koonfur Galbeed, lagu dilay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.