Faah faahin:dil ka dhacay Muqdisho

0
267

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Askari katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku dileen isgooyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Goob jogayaal ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in xiliga Askariga dilka loo geysanayay uu taagnaa bartamaha Isgooyska Sanca,waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay fuliyeen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,kuwaas oo dilka kadib goobta iskaga baxsaday.

Dilka kadib ayaa ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay gareen halka uu falka ka dhacay,iyagoona baaritaan kooban ka sameeyay goobta,balse cidna uma soo qaban dilkaasi.

Dhinaca kale Hay’adaha Ammaanka ee dowladda soomaaliya,wali kama aysan hadlin dilka loo geystay Askariga katirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.