Faah-faahin Qarax ka dhacey muqdisho

0
76

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo Maqribkii ka dhacay maqaayad ku taalla bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Blue Sky.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa oo Maqaayadda beegsaday.

Qaraxa ayaa waxaa ilaa hadda, sida la xaqiijiyey ku dhintay ugu yaraan saddex qof, waxaana ku dhaawacmay toddoba kale, sida uu sheegay afhayeenka.

“3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan Meydkiisa la aqoonsan.” ayuu yku yidhi Afhayeenka u hadlay Dowladda Soomaaliya qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

Waa markii 6-aad oo qarax lala eegto Maqaayadda Blue Sky oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka, oo ah goob laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada Soomaaliya.