Faah faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

0
260


Qarax Gaari lagu soo xiray,isla markaana jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari Qooqan ah,ayaa si gaar ah waxa uu kaga dhacay Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan ka soo horjeedka Shirkadda Dahabshiil ee ku taalla Wadadaasi.

Goob jogayaal ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo Ruux oo sida ay shegeen saarnaa Gaari,waxa ayna tilmaameen in loola mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxa ayna goobta bilaabeen baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxa u dhacay, iyo cidda ka dambeysay.