Faah faahin: dil ka dhacay Muqdisho

0
272

Dabley ku hubeysneed Bastoolado ayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxa ay ku dileen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goob jogayaal ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dilka Sarkaalka ay fuliyeen Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,kuwaas oo toogtay Sarkaal xili uu ku sii jeeday Xaruntiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Dhaqane,waxaana la tilmaamay in raggii dilkiisa ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa gaaray halka uu dilka kadhacay iyagoona goobta ka qaaday Meydka Sarkaalka la dilay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha ay Internet-ka ka isticmaalan Kooxda Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen iney ka dambeyeen dilka Sarkaalka lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Maxamed Xuseen Dhaqane.

Sikastaba ha ahaate inta badan waxaa magaalada muqdisho ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Mas’uuliyiinta katirsan Dowladda iyo Ciidamada waxaana inta badan sheegta Kooxda Al-shabaab.