Faah faahin dheeraad Qarax gaadhi oo ka dhacay Muqdisho

0
202

Faah faahin dheeraad ayaa ka soo baxeysa qarax khasaaro geystay oo shaley duhurkii dhacay agagaarka Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegay iney saarnayeen labo Ruux oo kala ah Soomaali iyo Turkiga,waxaana la sheegay in labadooda uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax sida goob jogayaal ay inoo xaqiijiyeen.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday Ninka Turkiga u dhashay,

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hakad geliyay isku socodka Dadka iyo gadiidka Isgooyska KM4 oo ah wado muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka ee Magaalada Muqdisho,wallow markii dambe ay dib u fureen Ciidamadu

Waa Qaraxii ugu horeeyay oo gaari lagu soo xiray oo dhaca tan iyo markii laguda galay bisha barakeysan ee Ramadan.

Laamaha Amniga ee Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ugu jira sidii ay amniga muqdisho u xaqiijin lahayeen.