Faafaahin dheeraada iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

0
148

wararka dheeraadka ah ee ka soo baxaya qaraxii ka dhacey saaka ex-koontraalka Afgooye ee magaalada muqdisho, kaasoo geystey khasaare naf iyo maal ah iyo burbur xoogan oo u geystey meheradiihii u dhawaa iyo dhamaan shacabkii ka ag dhawaa.

Qaraxan oo dhawaaqiisa laga maqlaayey inta badan magaalada muqdisho ayaa waxaa uu dhacey xili isgoyska Afgooye uu mashquul ahaa waxaana halkaa joogey gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah iyo dad xoogsato ah iyo bas ay saarnaayeen arday jaamacadeed.

Qaraxan oo loo adeegsadey gaadhi xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa aya soo istaagey isgoyska oo saxmad badan ka jirto.

waxaa ku dhintey dad dhan 20 Qof oo si hordhac ah loo sheegaya inta ku dhimatey qarax ka dhacey isgooyska Afgooye, halka 15 kale ku dhaawacmeen waxaan la sheegaya in dadkaas ay ku jireen arday badan oo jaamacad u socdey waxaan gaadhigoodii ay saarnaayeen ardaysaasi noqdey mid bur burey oo dhamaanba gubtey.

sidoo kale Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.

wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa engineerada turkida aha oo watey baabuur aaney xabadu kariin oo markaa soo istaagey kaantaroolka iyagoo halkaa ku dhintey iyaga iyo ilaaladoodii oo ahaa askar somali ah

Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dadkii dhaawacyada ay soo gaareen, waxaana sidoo kale goobta ku burburay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay ku gubtay kaalin Shidaal oo halkaas ku taallay

waxa kale oo ku dhintey sadex askari oo kantaroolka ilaalineyey oo joogey meesha

ilaa iyo hada wax war ah kamey soo saarey saraakiisha ambniga ilaa intii la bilaabey dhismaha isku xidha wadada muqdisho iyo afgooye waxaa ka dhacey Qaraxyo badan.