Duqeyn xagga cirka oo lagu Dilay Qaar kamida Al-shabaab.

0
234

Duqeyn xagga cirka ah oo maalinimadii Jimcaha laga fuliyay gobolka J/hoose ayaa lagu dlay 2-maleeshiyo ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab,sida laga soo xigtay taliska ciidamada US Afrika .

Howlgalka duqeynta dhinaca cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mileteriga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee US Africa,ayaa ka dhacay deegaanka Jamaame oo 50-kiilo mitir u jira magaalada Kismaayo.

Weeraradaan xagga cirka ah ee lagu qaaday kooxda Al-shabaab waa markii labaad muddo todobaad gudohood,waxaana war ka soo baxay taliska ciidamada Africom lagu shegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo weeraradaasi ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Taliska Africom ayaa xaqiijiyay in ay sii wadayaan weerarada kooxda Al­shabaab si ayeey yiraahdeen meesha looga saaro awoodda kooxdaasi,waxaana intaa lagu daray in ay sii socon doonaan wada shaqeynta iyo taageerada loo fidinaayo dowladda Soomaliya.