Drone lagu duqeeyey Al-Shabaab

0
193

Ciidammada mareykanka ayaa duqeyn la eegtey kolanyo baaruur ay leedahay al shabaab, Baabuur ay Al-shabaab ku soo diyaariyeen qaraxyo ay la damacsanaayeen Caasimadda Dalka.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday Habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay Xaafado ku yaalla Degmooyinka Saakoow iyo Bu’aale oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey Laba xarumood oo mid ka mid ah qaraxyada lagu farsameynayey halka xarunta kalena lagu tababari jiray malleeshiyada Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawaqa illaa 7 Gentaal iyo Rasaas lala bartilmaameedsanayay goobahaas, iyadoo sidoo kalena Degmada Bu’aale laga arkayay holaca iyo Uurada xarumahaasi.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-Shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac daran oo soo gaaray xubno ka mid ah Argagixisadu.