Dowlada soomaaliya oo Tacsi udirtay Dowlada ciraaq” iyadoo Tacsi utaalo

0
168

wasaarada Arimaha dibada soomaaliya ayaa tacsi udiray dowlada Dalka ciraaq ka dib doon dalxiis oo ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul.

Tacsidaan ay dirtay Dowladda soomaaliya ayaa ku soo aaday xilli Magaalada muqdisho ay maanta ka dhaceen Qaraxyo iyo weerar Toos ah.

Halkaan hoose ka akhriso.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Xukuumadda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso, waxa ayna caddaynaysaa inay si dhammaystiran u garabjoogto Ciraaq si ay uga gudubto dhibtani weyn ee ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 ruux oo u badan haween iyo caruur, waxa ayna Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaysaa inuu naxariistiisa hugiyo kuwa geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna si deg deg leh u bogsiiyo.