Diyaarad ku dhacday Wabi ku yaalla Mareykanka

0
253

Diyaarad kuwa rakabka ah oo sidday 143 ruuc oo rakaab a ayaa ku dhacday wabiga  Johnville  ee gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Diyaaraddaan oo nuuceedu ahaa  Boeing 737,waxa ay ka timid dalka Kuba,iyadoo ku socotay Woqooyiga gobolka Folorida,mana jitro wax dhimasho ama dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Florida.

Madaxa Boliiska ee magaalada Jacksonville ,ayaa sheeegay in diyaaradaasi ay si nabad ah u  dul sabeyneyso biyaha dushoo,isla markaana ay ka badbaaday in ay quusto ama ay tagto gunta hoose ee biyaha.

Ciidamada ammaanka maraakiibta iyo kuwa gargaarka degdegga ah ayaa gurmad bni aadanimo u fidiyay dhibanatashii ka badbaaday shilka diyaaradaasi,waxaana illaa hadda socota baaritan la xiriira waxa sababay.