Diyaarad kale oo Gurmad oo imanaysa muqdisho maanta iyo dhimashada iyo dhawaca oo kordhey

0
142

wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in maanta oo isniin ay kusoo wajahan tahay diyaarada Gargaraar oo ka imanaysaa dalka Qadar taaso lagu qaadi Doono dhaawacyada aadka u daran ee ku dhaawacmey Qaraxii ex-kantaroolka Afgooye.

Gudiga Gargaarka degdega ah ee ay magacowday dawlada faderalka somalia ayaa isku diyaarinayaa iney diyaariyaan dhaawacyada aadka u daran si loogu qaada dalka Qadar oo la saaro diyaarada maanta imanaysaa

Shaley ayaa loo qaadey dalka turkeyga Diyaarad Qaadey 16 dhaawac cusus ah iyo labii Qof ee u dhashey dalka Turkeyga oo ku dhintey Qaraxa iyadoo la sheegey iney gabadh Qabtey dhaawac culus ay kusiii dhimatey diyaarada dhexdeeda, waxaaney diyaaradu degtey dalka turkiga saq dhexe.

Gabadha ku dhex geeriyoootey diyaarada ayaa la odhan jirey magaceeda aamina cismaan.

dhaawacii kale ayaa isla xaleyba la dhigey isbitaalk ku yaalada turkiga, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa aad usii kor dhey iyadoo dhimashadu mareyso 83 Qof halka dhaawacuna uu kor u dhaafayo 149

Cid sheegatey masuuliyadana wali lama hayo inkastoo qarax kasta oo dhaca ay sheegan jirtey al shabaab, qaraxan way ka aamuseen.