dil ka dhacay Muqdisho

0
250

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Kooxo hubeysan oo xalay Ruux ka mid ahaa Shaqaallaha Wasaarada Amniga ku dilay Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa si gaar ah waxa uu kaga dhacay Degmada Boondheere,waxaana Ruuxa la dilay lagu magacaabi jiray Cali Maxamed sida la xaqiijiyay.

Dableydii dilka ka dambeeysay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxa ayna ka sameyeen howlgal ballaaran oo ay ku soo qabteen dhalinyaro badan,kuwaas oo qaarkood loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Waa dilkii ugu horeeyay ee ka dhaca Magaalada Muqdisho,tan iyo markii laguda galay Bisha barakeysan ee Ramadan.