DFS oo sheegtay iney dishay Xubno ka tirsan Shabaab

0
213

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay iney fashliyeen Weerar ay Kooxda Al Shabaab damacsanayeen iney ka geystaan Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

General Odawaa Yuusuf Raageoo ah Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in 14 kamid ah Shabaabkii soo weeraray Bariire ay dileen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay General Odawaa in wax khasaaro ah aysan Ciidamada Dowladda soo gaaray.

marka laga soo tago hadalka Taliyaha Ciidanka Lugta ee General Odawaa ma jirto cid Xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaasi ka soo gaaray.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Al-Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah.