DFS oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

0
267

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhaacay bar gadiidka lagu baaro oo ciidamada NISA, ay ku lee yihiin agagaarka Godka Jilacow.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka  Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayaan Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu jiro bisha Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba  ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta  ciidammada Qalabka sida ee dagaalka Kooxda Al-shabaab,  waxa uu  rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Ururka Al-shabaab.