DFS oo ka hadashay Go,aankii Dowladda Kenya

0
277

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

” Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladda Kenya ee duullimaadyadi itooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ee loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodka labada shacab.

DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib ufiiriso tallaabadan culeyska ku ah ganacsiga iyo isusocodka labada shacab ee walaalaha ah.

DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan iyadoo qiimeyneysa tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso.