DegDeg:Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo loo ogalaadey Safarkii Baledweyne

0
135

war hada soo dhacey ayaa sheegay in labadii madaxweyne hore ee saaka loo diidey in u safraan Baledweyne oo ay u sideen macaawino ayaa saaka loo diidey in u duulaan Baledweyne ayaa hada loo ogalaadey inu u duuulaan Baledweyne

Waxaan warkaa kasoo xiganey xildhibaan mahad salaad oo Bartiisa Baraha bulshada soo dhigey qoraal uu ku xaqiijinaayo in saaka loo diidey iney u duulaan Baledweyn hadana loo fasaxay.

Waana kan Qoraalkiisii

Dhowr saacadood oo garoonka diyaaradaha ay ku xayirnaayeen Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif hada ayaa la fasaxay diyaaradii magaalada Beledweyne u qaadi lahayd iyaga iyo wafdigooda oo gargaar u waday shacabka reer Beledweyne ee fatahaadaha wax yeeladu ka soo gaartay.

Amarka lagu celiyay diyaarada Madaxweyneyaasha qaadi lahayd ayaa la sheegay in ay bixisay Hay’adda Nabad Sugida! Dhowr jeer hore ayay dhacday dad safraya oo Hay’adda Nabad Sugida is hortaag ku sameysay. Arintaan ayaa ka dhigan dhaqan aan wanaagsanayn oo dowladnimada wax loogu dhimayo soona nooleynaysa dhaqamo xun xun oo dadka Soomaaliyeed ka bogsoodeen!

Hon. Mahad Salad