Degdeg: Trump oo ka hadley talaabada ay ka qaadayaan Iran

0
174

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar dhow sheegay in Mareykanka uu sii wado raadinta fursado uu kaga jawaabayo weeraradii Iiraan ee lagu qaaday laba saldhig oo Ciraaq ay ku lahaayeen ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Mareykanka uu cunaqabateyn “xoog badan” ku soo rogi doono Iran.

Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan wax khasaare ah kasoo gaarin weeraradaasi. Ma jiraan warbixino sheegaya weerarka ciraaq.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa si weyn kor ugu kacday usbuucii hore ka dib markii Trump uu amar ku bixiyay in la dilo taliyihii militariga Iran Qassem Soleimani ee Ciraaq.

Iiraan ayaa sheegtay in weeraradii Arbacadii ay aargudasho ugu jireen dilkii Soleimani. Waxay Mareykanka uga digtay inay ka aargudato weerarada.

Trump ayaa hore ugu hanjabay inuu “si buuxda u laaban doono” haddii Iran weerarto muwaadin Mareykan ah ama danaha Mareykan ah

Hadalka Trump ee Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay weerarada gantaalaha Iran ay ku hayaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, halkaasoo uu ku celiyay “ma jirin Mareykan la dilay”.

Isaga oo ka hadlaya Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in Iran ay u muuqato “mid taagan”, oo ah calaamad muujinaysa in Washington aysan raadineynin wax jawaab ah.

“Ilaa iyo inta aan ahay hogaamiyaha mareykanka, Iran waligeed ma yeelan doonto hubka nukliyeerka,” ayuu yidhi.