Degdeg: jabhadii Korneyl Caare oo lasoo Afjarey

0
159

Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo xidhan dharka madax-dhaqameedka ayaa maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo xukuumadda ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii.

Buurta Daallo, ayaa lagu qabtay munaasabadda uu ku wareejinayay ciidamada.

Caarre, ayaa isaga loo badinayaa in uu dalka ka bixi doono si uu cafis u soo dalbado.

Arrintan soo afjarkeeda waxa kaalin weyn ka gaystay Odayaasha dhaqanka ee Beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caarre.

bishii May sannadkii 2018-kii ayuu ka goostay ciidamada Somaliland isagoo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Beesha dhexe ka soo jeeda kaas oo Jabhad samaysta intii Somaliland lagu dhawaaqay.

Caarre, oo markii hore ka cadhooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn ayaa markii danbe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland.

Caare ayaa Gudiga Dhexdhaxadinta Isaga Iyo Xukuumada Ku Wareejinaaya Afar Guuto oo 900 Askari Tiradoodu Dhan Tahey, Tikniko iyo Qalab Kale.
Ciidamada Qaar Ayaa Hada la Wareejiyey Kuwa Kalena waa La Sugayaa in La Wareejiyo dhawaan