DEG DEG: Weerarkii Muqdisho oo 22 saac kadib ugu dambeyn lasoo afjaray

0
170

MCiidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray howlgal xalay ilaa iyo maanta ay ka wadeen dhismooyin ku yaalla waddada  Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa xaqiijiyay in dhammaan la toogtay ragii weerarka soo qaaday, kuwaasi muddo ku dhow 22 saac ka dhex dagaalamayay dhismo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama.

Maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii oo xalay ku billowday qaraxyo.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarkii xigay, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxa u ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay jidka Maka Al-Mukarama, gaa rahaan agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayadda ee Hillaac UK.

Afaafka hore ee dhismayaasha qaraxa uu saameeyay waxaa ka muuqda bur bur xooggan, gaadiid goobta yaalla oo dadkii watay ay qaarkood yaalaan Isbitaalada Muqdisho, waxaana laamiga ku arkeysaa dhiig daadsan.

source:Caasimada Online