Deg Deg Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Xaafada New Hargaysa + dhimasho iyo dhaawac uu sababey

0
298

Goordhaweyd waxaa Agagaarka wadada waran cadde ee xarunta taraafikadda ka dhacey shil baabuur oo ahaa booyad xawli u socotaa ku jidhay kaloy jaad iyo makhaayad wakhti ay dad badani fadhiyeen; waa la sheegay inay shan qof jiidhay oo sadex qof geeriyoodeen.

Shilkan Ayaa Sababay Dhimashada 3 Ruux halka 2 qof oo kalena ay ku dhawacmeen,waxaana laga hoos gurayaa maydadkii ay dulmartay
Sida goobjoogayaal ii sheegayaan waxa booyadda waday wiil 15 jir lagu qiyaasay da’diisa; waxaanu isku dayey inuu baxsado balse waxa soo qabtay dadweynihiii.
Waxa hadda laga hoos gurayaa booyada hoosteedda dadkii ay dulmartay.