DEG DEG:- Qarax Xooggan Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

0
527

Beegsonews-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaara tiyaatarka qaranka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib rasaas xoogan ayaa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda waxyeelada.

Qaraxa ayaa ka dhacay Goob ciidamada amaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka madaxtooyada, waana meel ku dhow taalada Xaawo Taako.

Ciidamada amaanka ayaa goobta isku gadaamay iyaga oo durba dadka ka celinaya halka uu qaraxa ka dhacay.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

 source:Caasimada Online