DEG DEG:-Qarax Lala Eegtay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada

0
268

Wararka ka imanaya duleedka magaalada muqdisho ayaa laga soo sheegaya inuu halkaas qara lagula beegsadey Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia iyo sarkaal kale.

iyadoo Qaraxa la la eegtey Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qaraxan la la beegsadey masuuliyiinta Ciidamada qaranka ayaa waxaa uu ahaa Mino lagu aasey dhulka, waxaan gudoomiyaha iyo colonyada la socotid lagula eegtay duleedka magaalada muqdisho,

iyagoo kasoo laaptey duleedka safar shaqo oo ay ku joogeen shabeelada hoose, isagoo shaley ku hoyda xerada ciidamada ay ku leeyihiin duleedka ceel-saliini ee duleedka magaalada marka, halkaas oo Dhawaan al shabaab weerer khasaare gaystey ugu gaysteen ciidamada xeradaa degan.

ilo wareedyo laga helaayo dhanka Amaanka oo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Maxkmadda uu nabad qabo,isla markaana  uu qaraxaas ka badbaaday.

ilaa hadana wax khasaara iyo dhibaataada uu gaystey qaraxaasi lama hubo.

Lasoco wixii kusoo kordha Insha Allaah