DEG DEG:-Qarax Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0
255

Wararka aanu ka  helayo xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay  gudaha xarunta,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay qof xirnaa  walxaha qarxa xiligaas uu ka socday shir xasaasi ah oo looga hadlay amniga isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen inta badan masuuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan ahse’ahaatee waxaa xiligaas goobta ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: Yariisoow,Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo masuuliyiin kale oo kulanka ku sugnaa.

Weriyaal ka tirsan warbaahinta dalsan oo xiligaas ku sugnaa madasha shirku uu ka socday ayaa sheegay in mar qura  ay arga-gaxeen dhamaan dadka goobta joogay isla markaana ay iyagu arkeen dad qaba dhaawacyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa ayaa sheegaya in uu dhawac soo gaaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: Yariisoow waxaana la arkayay iyada oo ay lasii cararayaan qaar ka mid ah ilaaladiisa khaaska ah.

La soco goor dhow wararkaan oo faah-faahsan.