DEG DEG:-Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0
283

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu dhacay qarax Xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland Shire Xaaaji Faarax xili uu marayay Hotelkii hore ee Ramaada ee ku yaalla Magaalada Boosaso

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa gaaray goobta uu qaraxa uu dhacay,kuwaasi oo xiray Aaga,waxaana hakad ku jiray ganacsigii Nawaaxigaas ka jiray.

Weli si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.