DEG DEG:- Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Awdheegle Iyo Rasaas La Maqlayo

0
191

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jug culus.

Dad goob joogayaal ah ayaa dalsan u xaqiijiyay in ay socoto rasaas aan kala go’laheyn oo ka dhaceysa saldhig ciidamada dowladda oo ku yaalla gudaha degmada Awdheegle eegobolka Sh/hoose.