Deg Deg:-Qarax Gaari oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
330

Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ku qarxay meel u dhaw Isgooyska Digfeer ee Magaalada Muqidsho.

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qeyb ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir,ayaa ka dhashay Gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa,isla markaana la dhigay agagaarka Isgoyska Digfeer ee Muqdisho.

Goob jogayaal ayaa sheegay in Gaariga markii hore laga shakiyay,isla markaana Ciidamada Ammaanka ay isku hareeriyeen si ay usan u baxsan,basle markii dambe uu qarxay Gaariga.

ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa gaarigaasi,waxaana wali soconaya Gurmadka.