Kheyre oo ka baaqday safarkii Beledweyne

0
145

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta lagu waday inay u ambabaxaan Magaalada Baladweyne, hayeeshee waxaa uu ka baaqday.

Sababta uu u baaqday Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii xalay roobab xoogan ay ka da’een Baladweyne, isla markaana la sheegay inay adeg tahay in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  ay ka degto diyaarad.

Ciidamo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska oo tagay garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo ka horreeyey ra’iisul wasaaraha ayaa dib uga soo laabtay. Ra’iisul wasaaraha ma tagin garoonka.

Baaqashada ra’iisul wasaaraha ayaa imaneysa ayada oo goor sii horreysay loo diiday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay ka baxaan garoonka,