DEG DEG Booliska kenya oo xidhan xildhibaano muqdisho tagey

0
161

Booliska Dalka Kenya ayaa dabin u dhigay sideed xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Somaliya.

Waaxda Dambi baarista Kenya ayaa xaqiijiyey in dambi baarayaasha iyo saraakiisha booliisku ay fadhiyaan Garoonka diyaaradaha Wilson iyo JKIA iyagoo sugaaya imaatinka xildhibaanada.

Amniga Guud ee Garoonka ayaa sidoo kale la adkeeyay iyadoo baarayaasha ey irid kasta oo garoonka Baaritaan ka Wadaan.
Siddeedda xildhibaan ayaa la sheegay inay u safreen magaalada Muqdisho iyagoo raacay Duullimaadka Diyaaradda Air Express WU-751 Sabtida, Febraayo 29, abbaaro 11 am.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Kenya Titus Ndungu ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada ey ku kala imaan doonaan duulimaadyo kala duwan oo ka imaan doona Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa La Xaqiijiyay in ay la kulmeen masuuliyeen katirsan DFS.