Dawladda Soodaan ayaa gardarro ku tilmaantay buuxinta biyo-xidheenka Itoobiya.

0
32

Wasiirka waraabka iyo khayraadka biyaha, Yaasir Cabbaas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo ay Itoobiya ku buuxiso biyo-xidheenka bisha Julaay ay tahay hanjabaad toos ah oo ku socota amniga qaranka Soodaan.

Hadalkiisu waxa uu yimid xilli ay sii kordhay xiisadda soohdinta labada dal.

Itoobiya ayaa bilowday buuxinta biyo-xidheenka xagaagii kal hore.

Dawladda Masar ayaa webiga u aragta geeri iyo nolol, maaddaama ay 90% biyaha nadiifta ah ka hesho Webiga Niil.

Itoobiya waxa ay webiga u isticmaalaysaa in ay ka dhaliso awood koronto. Kala badh dadkeeda ayaa mugdi ku nool.

Heshiiskii Maraykanka ee saddexda dawladood ayaa fashilmay. Kan hadda uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika na dhowr jeer ayaa lagu kala kacay.

Nimaan Osman