Dawlada soomaaliya oo mushaharkii ka joojisey shaqaale Hargeisa Joogey

0
138

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mushaharkii ka joojisay shaqaale Madaarka Hargeysa ka hawlgali jiray.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore shaqada uga eriday shaqaalahan, kadib markii ay ogaatay in ay ka mushahar qaadanayaan Dawladda Soomaaliya.

Shaqaalahan oo muddooyinkii ugu dambeeyay mushaharkooda qaadanayay, iyagoo Hargeysa jooga, ayay hay’adda duulista hawada Soomaaliya ay sheegtay in ay ka jartay lacagihii, ka dib markii hay’adda ay soo foodsaartay xaalad dhaqaale xumo oo uu sababay xanuunka #Coronavirus.

Qoraal uu soo saarey Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya Axmed Macallin Xasan, ayaa sidaas lagu sheegay.

Khaalid Foodhaadhi