Dawlada somaaliya oo ka hadashey qarax ka dhacay xirada Turkey Som

0
75

Taliyaha Ciidanka Dalka oo faahfaahin ka bixiyay qarax ka dhacay  Dugsiga tababarka Turkey Som

Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo isku diyaarineeysay  in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Laba Qof oo midkood uu arday ahaa ayaa ku dhintay qarax si uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yusuf Raage.

Isaga oo  xaqiijiyay in ciidamada ay toogteen ninka naftii haliga ah oo ay ka shakiyeen markii uu hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada ilaalada Saldhigga.

“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen Odaywaa.

qaraxa is miidaamin wali cid sheegatey ma jirta oo ka danbeeyey iney yagu qaraxaa fuliyeeen alshababna wax war ah kamay soo saarin