Daraasad shaaca ka qaaday Dhibaatada hurdo la aanta ama hurdo badnida

0
540

Daraasad caafimaad ayaa shaaca ka qaadday waxa ku dhaca jidhka bini’aadamka marka aanu hurdo ku filan qaadan, ama marka uu seexdo saacado isagoo aan u baahnayn.

Daraasaddan ayaa waxaa soo gabagabeeyey Jaamacadda Colorado Boulder iyadoo kaashanaysa Isbitaalka Massachusetts ee Mareykanka iyo Jaamacadda Manchester.

Sida laga soo xigtay wargeyska Beljamka ee Le Soir, daraasadda ayaa waxaa ka mid ahaa dad lagu sameeyey tijaabada 461,347 qof ah, oo da’doodu u dhaxayso 40 iyo 69.

Baarayaasha waxay falanqeeyeen xogta laxiriirta hurdada iyadoo lagu saleynayo waxa ay kaqeybgalayaashu yiraahdeen, kadibna fiiriyeen xogtooda caafimaad iyo macluumaadka hidaha.

Dadka seexashada gaaban waxay u badan tahay inay qabaan wadne xanuun, oo noloshooda khatar weyn u geysan kara, daraasadda ayaa lagu ogaadey.

Dadka seexda wax ka yar 6 saacadood habeenki waxay leeyihiin boqolkiiba 20 halis sare oo ah inuu ku dhaco wadne qabad marka loo eego kuwa seexda 6 illaa 9 saacadood, daraasadda ayaa muujisay.

Dadka seexan jiray shan saacadood oo keliya, waqti gaaban, waxay u badnaayeen boqolkiiba 52 boqolkiiba inay qabaan wadne qabad marka loo eego kuwa muddo dheer seexday.

Arinta la yaabka leh ee ay shaaca ka qaaday daraasada, ayaa ah in hurdo aad u badan sidoo kale ay waxyeello leedahay, maxaa yeelay waxay taasi horseedaysaa wadne qabad, xitaa haddii aan u malayno in hurdo dheer ay ka caawiso nasashada jidhka.

Dadka seexda in ka badan 9 saacadood habeenki ayaa kordhiyay halista wadne istaaga boqolkiiba 34, daraasada ayaa lagu sheegay.