Dalkii ugu horreeyay caalamka ee mamnuuca isticmaalka magaca Corono Virus.

0
126

Dalka Turkamanistan oo ah dal muslim ah ayaa mamnuucay in ay dadku afkaba ay kaga dhawaaqaan magaca Corono Virus, Sidoo kale warbaahinta dalkaas ayaa laga mamnuucay isticmaalka magaca Corono Virus.

Ciidamada Booliska sida kuwa qaba dharka Shacabka ayaa lagu amray in ay soo xidhaan qofka lagu arko isagoo xidhan marada afka lagu xidho (Face Mask).

Madaxwaynaha dalkaas, Qarbaan Maxamadov, ayaa hore u sheegay in geed dalkiisa ka baxa uu ka dawo yahay Corono Virus, waxana u dadka dalkiisa u sheegay in ay geedkaas shitaan oo ay isku bukhuuriyaan haddii xanuunkaas ay isku arkaan.

ilaa iyo hadda Ma jiro wax kiis ah oo laga diwaangaliyay dalkan Turkamanistan.

Xigasho: Sayid Osman.